Madaxweynaha Hirshabeelle oo gaaray Muqdisho

Published: April 18, 2022

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport kusoo dhoweeyay Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow Ducaale, qaar kamid ah Xildhibaanada  Hirshabeelle iyo Mas’uuliyiin kale.

Dhanka kale Madaxweynaha waxa uu garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade kula kulmay Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay iska wareysteen xaaladaha guud ee dalka.

Booqashada Guudlaawe ayaa kusoo beegmaysa xili ay dood xoogan ka taagan tahay kursiga Hop#086 ee la sheegay inuu ku guuleystay Fahad Yassin, Lataliyaha Madaxweyne Farmaajo ee Amniga ahna taliyihii hore ee NISA.

Hirshabeelle ayaa sidoo kale kamid ah maamulada aan weli dhameystirin doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *