Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Taliyaha guud ee AMISOM

Published: August 7, 2018

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa Qasriga Madaxtooyada Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar isaga iyo saraakiil Sar Sare oo ka tirsan AMISOM.

Waxana kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan AMISOM, Iyadoo ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa Wadooyinka Kala xiran dadkana looga dulqaadi lahaa Cadowga gumaadka ku haya.

Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada looga xoreynayo kooxaha isku biirsaday leynta iyo dabar goynta umadda Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan Ciidamada Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka, waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan Dowladda iyo Amisom noqonin kuwa difaac uun ku jira laakiin loo baahanyahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka Shabaab dhibaatada ku heysa Soomaaliya, isagoo dhinaca kale tilmaamay sida ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa`iideysto waqtiga.

“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga Gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo ka dhan ah Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle” Ayuu yiri Madaxweyne Waare.
La soco waxii kusoo kordhaa.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *