Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay xoghayaha arrimaha dibadda Ingriiska

15 March, 2017

  Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya…

 

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xoghaya arrimaha dibadda Dowladd Ingiriiska Boris Jonhson, iyagoo ka wada hadlay arrimo la xiriira Amaanka,abaaraha,iyo Horumarinta Maamulka Hirshabeelle.

Kulankani oo ka dhacay safaaradda ingiriiska ay ku leedahay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa mas`uuliyiin ka tirsan labadda gole ee dowlad goboleedka Hirshabeelle waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday arrimaha la xiriira amniga deegaanada hirshabeerlle iyo abaaraha baahsan ee jira, iyadoo xoghayuhu uu balanqaaday ka dowlad ahaan in ay garab istaagi doonaan maamulkani hodanka ku ah Kheyraadka ilaah uu ku maneystay.

Xoghayaha arrimaha dibadda Dowladda Ingriiska Boris Jonhson oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay la kulanka madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, isagoo hoosta ka xariiqay in dowladda Ingiriiska ay sii wadi doonto kaalmada maamulada ka jira dalka gaar ahaan soo nooleynta kaabayaasha dhaqaalaha oo Hirshabeelle ay ka caawin doonto sidii looga horumarin lahaa dhinacyada caafimaadka, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, dib u dhiska guud, iyo amniga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullahi Cosoble oo isna ka hadlay kulankaasi ayaa mahadcelin kaddib, waxa uu xusay in maamulkiisa uu aad u soo dhoweynayo kulanka ay la yeesheen Xoghayaha arrimaha dibadda ee dalka Ingriiska, isagoo Xusay in maamulkiisu uu yahay mid curdun ah oo u baahan kaalmada Dowladda Ingiriiska waxaana uu ka dalbaday in laga gacansiiyo dhisida iyo xoojinta hey`adaha maamulka, horumarinta deegaanada Hirshabeelle, Amniga, Abaaraha, iyo baahiyaha ay qabaan ka maamul ahaan maadaama maamulkiisu uu cusubyahay, iyadoo kulankaasi uu ku soo dhamaaday is fahan iyo afgarasho.

Madaxweynha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Dr Cali Cabdullaahi Cosoble iyo Wafdi Uu hogaaminayo ayaa Maanta u soo gaaray Magaalada Muqdisho howlo shaqo, iyadoo inta uu ku suganyahay Madaxweynuhu Kulamo uu la qaadan doono Madaxda Dowladda Federaalka, iyo Diblomaasiyiin Ka tirsan Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamka.

Xigasho Warfaafinta Hirshabeelle

Faafin Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *