Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Lagu Soo Dhoweeyey Dhuusamareeb

Published: February 1, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhoweeyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Galmudug.

Maanta oo ay tahay 01/02/2021 ayaa lagu wadaa inuu Dhuusamareeb ka furmo shir degdeg ah oo wadatashi, kaasi oo uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Shirka Wadatashiga ee xallinta caqabadaha hannaankii doorashada ee lagu saxiixay Muqdisho 17 September ayaa waxaa la filayaa in muddo saddex cisho uu qaato, iyadoo looga doodi doono illaa saddex qodob.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *