Madaxweynaha Hirshabeelle oo Saraakiisha ATMIS kala hadlay sugida amniga & la dagaalanka Al-Shabaab

Published: July 7, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Ciidanka ATMIS ee Secter Five iyo Saraakiil uu hogaaminayay.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye elie kala hadlay sugida amniga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada.

Taliyaha Secter Five ee Ciidamada ATMIS General Ndizigiye elie oo qaabilaada Madaxweynaha ka mahadceliyey ayaa ballan qaaday inay ATMIS ay u diyaar u yihiin sugida amniga iyo la dagaalanka kooxaha argagixisada.

Degaannada Maamulka Hir-Shabeelle ayaa waxaa aad ugu xoogan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo bilihii la soo dhaafay kordhiyay weerarada ay ka fulinayaan.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *