Published: October 10, 2021
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/Hirshabelle-Guudlaawe.jpg)
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa xilka qaadis ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamadda Gobolka Shabeellaha Dhexe Sheekh Xuseen Maxamed iyo Gudoomiyihii Hay’adda Qaxootiga Khaliif Warsame Waasuge isagoona xilalkan u magacaabay masuuliyiin cusub.
Madaxweyne Guudlaawe ayaa Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga u Magacaabay Cabdisalaan Cabdullaahi Xaashi ( Angola ) isagoona badalaya Gudoomiyaha xilka laga qaaday.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/FB_IMG_1633872585396-505x720.jpg)
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Shabeellaha Dhexe u Magacaabay in uu noqdo Cabduqaadir Cadaay Axmed.
![](https://horseedmedia.net/wp-content/uploads/2021/10/FB_IMG_1633872942373-503x720.jpg)
Horseed Media