Madaxweynaha Hirshabelle oo gaaray magaalada Beledweyne

Published: February 6, 2022

Madaxweynaha Hirshabeele Cali Guudlaawe ayaa gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, halkaas oo ay kusoo dhoweeyeen Madaxweyne Kuxigenka Hirshabeele & Maamulka Beledweyne iyo Qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Amaanka magaalada ayaa si weyn loo adkeeyey xalay iyo saaka, waxaana wadooyinka waaweyn lagu arkayaa ciidamada amaanka oo isugu jira kuwa gobalka iyo Federaalka.

Maleeshiyaadka kasoo jeeda gobalka Hiiraan oo horey u diidanaa imaanshaha Madaxweynaha Hirshabelle ayaa horey digniin uga soo saaray xaalada magaalada iyagoo ku baaqay Madaxweyne Guudlaawe inuusan imaan magaaladaasi oo kamid ah goobaha loo asteeyey inay ka dhacdo doorashada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Jeneraal Xuud oo hogaamin jiray maleeshiyaadkaasi oo xiligan ku sugan magaalada Muqdisho oo uu sheegay inuu u tagay wadahadalka Xukuumada Federaalka, ayaa shir jaraa’iid oo uu xalay ku qabtay halkaasi ka sheegay in la dhabar-jabiyey wadahadalkii uu Xamar u tagay, isagoona ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta imaanshaha Madaxweyne Guudlaawe ee magaalada Beledweyne, waa siduu hadalka u dhigayee.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *