Madaxweynaha HirShabelle oo xilalkii ka qaaday labo kamid ah Golihiisa Wasiirada

Published: June 19, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in xilalkii kaga qaaday labadaasi Wasiir.

“Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa Xilalkii ka qaaday Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Warshahada Yaxye Ismaaciil Maxamed iyo Wasiirka Wasaarada Dastuurka Qadar Xasan Maxamed kadib wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha.” ayaa lagu yiri wareegtada uu soo saaray Madaxweynaha.

Wasiirada xilalka laga qaaday ayaa waxaa lagu eedeeyey xil gudasho la’aan, sida ku cad warqadda uu soo saaray Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *