Madaxweynaha Iran oo booqanaya qaar kamid ah dalalka AFRIKA

Published: July 11, 2023
Shares2

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa safarkiisii ugu horeeyay ku tagay qaarada Afrika, safarkan ayey dowlada Iran doonaysaa inay ku xoojiso xiriirka siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee qaarada.

Raisi ayaa maanta oo Talaadda ah u dhoofay qaarada, safarkan ayuu ku tagi doonaa Kenya, Uganda iyo Zimbabwe, waana safarkii ugu horeeyay ee Madaxweyne reer Iran ah uu ku tago Afrika muddo 11 sano ah.

Isniintii, afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Nasser Kanani ayaa u sheegay warfidiyeenka in Afrika ay tahay “Qaarada fursadaha” oo diyaar u ah in ay la macaamilto Iran, Tehranna ay aad u danaynayso in ay ka jawaabto xiriirkaasi.

Bishii Maarso, Madaxweyne Raisi wuxuu martigeliyay kulan uu la yeeshay koox wakiillo ah oo ka socda Galbeedka Afrika, shirkaasi oo uu ka sheegay in Iran xiriirka ay dooneyso ka duwanaan doono xiriirka ay la leeyihiin waddamada reer Galbeedka ee leh taariikhda gumeysiga ee qaaradda.

Horseed Media