Madaxweynaha IRAN oo booqasho taariikhi ah ku tagaya Sacuudiga

Published: November 7, 2023
Shares38

Madaxweynaha Iran Ebrahim Raisi ayaa lagu wadaa inuu todobaadkan booqasho taariikhi ah ku tago dalka Sacuudiga.

Raisi ayaa lagu wadaa inuu ka qeyb galo shirweyne Axadda soo socota ka dhacaya Sacuudiga oo looga hadlayo xaalada Gaza.

Wuxuu noqonayaa safarkii ugu horeeyey oo hogaamiyaha Iran ku tago Sacuudiga tan iyo markii labada dal xiriirkooda dib usoo noqday.

Bishii Maarso, ayey dalalka Iran iyo Sacuudiga heshiis gaareen kadib dhex dhexaadin ay u sameysay dowlada Shiinaha.

Shirweynaha Gaza looga hadlayo ayaa waxaa soo qaban-qaabiyey Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) oo fadhigiisa yahay magaalada Jeddah.

Horseed Media