Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah oo maamulka Puntland booqasho ku tegaya

Published: January 5, 2018

Caasimadda Puntland ee Garoowe waxaa laga dareemayaa qaban-qaabada soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo lagu wado isaga iyo wefdi uu hoggaaminayo in ay booqasho afar maalmood ah ku yimaadaan Puntland oo ka bilaameysa maalinta Sabtida.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi ayaan Puntland booqasho ku imaan tan iyo markii xilka uu lawareegay bishii febaraayo sanadkii hore, waxaana horey u baaqdey laba jadwal oo la sheegay in Madaxweynuhu imaanayo.

Wararku waxay sheegayaan in dib u dhac uu ku yimid furitaankii garoonka diyaaradaha ee Garoowe, kaas oo dhawaan la dhamaystiray, sababta baaqashada in xarriga uu ka jaro Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ah in qaybta terminalku ay weli qabyo tahay una baahan yahay qalabeyn iyo dhamaystir.

Ma cadda in diyaaradda Madaxweynuhu ay ka degi doonto garoonka cusub ee aan weli la furin, iyo in ay ku degi doonto garoonka kumeel gaarka ahaa ee Konoko oo hadda la isticmaalo.

Wararku waxay sheegayaan in Madaxweynuhu uu booqan doono qaar kamid ah magaalooyinka Puntland kulamo la qaadan doono waxgaradka Puntland.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *