Puntland iyo Federaalka oo isku mari waayey arrimo ay ka mid yihiin shirka London 2013

Published: April 29, 2013

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo gebagebeeyey safarkii uu ku joogey Xarunta Puntland ee Garowe.

Shir dheer oo ay labada dhinac Federaalka Soomaaliya iyo Puntland maanta wada yeesheen ayaa noqdey mid waxyaabihii Puntland wadatey la isku afgaran waayey isla markaana lagu kala aragti duwanaadey.

Waxyaabaha sida weyn loogu kala argti duwaandaey waxaa kamid ahaa arrimaha maamul u samaynta dalka, gaar ahaan Jubbaland, Dastuurka iyo Shirka London 2013.

Shirka London

Dowladda Ingriiska ayaa dhamaan hawlaha shirka Sonalia 2013 ee London farta ka saartey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Ajandaha Shirka ayaa noqdey kuwo aan Muqdisho soo dhaafin, waxaana Horseed Media ogaatey in qaar kamid ah qabanqaabiyaasha shirku la xiriireen Puntland isla markaana weydiiyeen sida Ajandaha shirka ay u arkaan taas oo la yaab ku noqotey Puntland iyo wa ku baryey, waxaana la filaayey in federaalku gaarsiin doono.

Puntland ayaa dooneysey in ay ajandaha wax ku yeeshaan u gaar ah oo ku saabsan maamulka Puntland, taasna waxaa ka caga jiidey Federaalka, ma cadda in Puntland ka qaybgeli doonto shirka Somalia 2013 oo casumaadiisa la gaarsiiyey Madaxweynaha Puntland taas oo uu ku casumey Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamuud. Waxaa jira warar soo gaaraya Horseed media oo sheegaya in dadka ka qaybgalaya shirka London ee 7 May ee ka imaanaya Puntland uu ansixiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalku.

Arrimaha kale ee sida weyn labada dhinac uga doodeen ayaa ahaa markii Puntland keentey dastuurka federaalku in uu yahay mid ka duwan kii ergadu meel mariyeen Bishii August 2012, kaas oo wax badan ka beddalan waxaana ay dalabadeen in la soo celiyo dastuurkii ergooyinku ansixiyeen beesha caalamkuna markhaantiga ka ahayd.

Haddaba iyada oo si weyn looga dareemi karo, sida aan loogu guuleysan wadahadalkii ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Madaxweynaha Dowlada Soomaaliyeed ee Puntland saxaafadda la wada hadleen, ma aysan ka ahdlin wax cusub oo wada hadalkooda ka soo baxay. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in labada dhianac waxyaabo badana ay isku waafqeen halka waxyaabo kalena u dhiman yihiin oo laga sii wada hadli doono, waxyaabaha la isku waafaqey ayuu ku sheegay Faroole.

– Dib u heshiisiin iyo midnimada dalku in ay marto nidaamka wada hadalka
– Nabadgelyada dalka ciidamada sidii loo mideyn lahaa
– Heshiiskii 11 Maarso 2013 in la ayido sidiisa loo socodsiiyo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xassan Shiikh Maxamuud ayaa dhankiisa sheegay, in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada Puntland mahadna u celinaayo sida wanaagsan ee loo soo dhaweeyey, Madaxweynaha ayaa sheegey in waxyaabaha la isku waafaqey ay yihiin inta Madaxweynaha Puntland ka hadley, Waxaana safarkiisa uu ku sheegay mid wadatashi in u ahaa, arrimaha Dastuurka oo uu soo hadalqaadey ayuu yiri wixii la isku ogaa in sidii ay ahaayeen laga dhigo ayaa waajib ah inkasta oo la isku waafqey in dastuurkuq abyo ahaa oo la dhamaystiro.

Madaxweyne Xassan ayaa mar uu soo hadal qaadey maamul u samaynta gobolada dalka yiri, waa arrin muhim ah oo maraysa wada hadal, waana arimo farsamo sida wax loo dhaqaajinaayo.

Warsaxaafadeed maalintii shalay ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaaliga ah ayaa lagu sheegay in safarkiisa Garowe yahay mid wadatashi ah ka hor shirka London 2013, Mid kamid ah Wefdiga la socdey Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Horseed Media u sheegey in casumaad shirka London uu Madaxweynuhu siiyey Madaxweynaha Dowladda Soomaaliyeed ee Puntland, laakiin waxaa muuqata in Madaxweyne Faroole si u salguugey casumaadaas, Waxaana ay sheegtey Puntland in ay ka tashanayso ka qaybgalka shirkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wefdigiisi ayaa ka duuley garoonka diyaaradaha ee Garowe, waxaana ay ka degeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *