Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo safar ugu baxay dalka Masar

Published: January 19, 2024
Shares8
Safarka Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa gelibkii danbe ee Jimacada ka ambabaxay magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaas oo uu kaga qaybgalay shirar kala duwan. Madaxweynaha ayaa safarkiisu ku wajahan yahay magaalada Qaahira ee dalka Masar.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa todobaadkii hore martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa Masar Abdelfatah Al Sisi, kaddib markii Muqdisho ay soo gaareen wafdi sare oo ka socday Masar.

Dowladda Masar ayaa si buuxda u taageertay Madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaana ay si adag u cambaareysay heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la saxiixday Somaliland, kaasoo xadgudub ku ah madax bannaanida iyo midnimada dalka.

Horseed Media