Madaxweynaha JFS oo xarriga ka jaray Laanta Bankiga Dhexe ee Galmudug

Published: August 11, 2023

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray laanta Bangiga Dhexe ee oo uu ka hirgeliyay magaalada Dhuusamarreeb.

Munaasabadda xarig jarka waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye, Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay xafladda.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in ka reer Galmudug ahaan ay ku faraxsanyihiin isla markaana muhiimad weyn ay u leedahay in Bangiga Dhexe xaruntiisii Dhuusamareeb dib loo hawlgaliyo oo noqoneysa xaruntii ugu horreysay ee Bangiga Dhexe ee dib looga howlgaliyo meel ka baxsan Caasimadda Dalka ee Muqdisho.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee dalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi ayaa dhankiisa xusay iney ka go’antahay sidii  dib loogu howlgelin lahaa dhamaan laamaha Bankiga Dhexe ee dalka uu ku lahaa si loo baahiyo shaqooyinka Bankiga Dhexe.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxda Bankiga Dhexe ee Soomaaliya ku amaanay inuu ka shaqeeyo baahinta xarumaha Bankiga Dhexe ee dalka oo laga hergelinayo xarumaha  maamul goboleedyada dalka.