Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Published: November 19, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ah deegaanada udub dhexaadka u ah dagaalka looga soo horjeedo Al-shabaab, waxaana wafdiga Madaxweynaha halkaas kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeen ka Hirshabelle Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, Xildhibaanno, Masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo shacabka deegaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la hadlay shacabka deegaanka iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay guulaha is daba joogga ah ee ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab, waxa uuna adkeeyay taageerada ay dowladdu la garab taagan tahay deegaanada dadkoodu ay go’aansadeen in ay iska xoreeyaan Al-shabaab.

“Inta aan Madaxweynaha ahay dowlada Soomaaliya waxaa ka go’an in dalka Shabaab laga ciribtiro, la waayo. Ceelbuur, Xaradheere, Aadan Yabaal iyo deegaanada kale waa xoroobayaan Alle idim kii.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dhageystay warbixin la xiriirta baahiyaha adeegga dowladnimada ah ee ay qabaan dadka nool degmada Maxaas iyo deegaanada hoos yimaada, isaga oo balan qaaday in dowladda Sooomaaliya ay gaarsiin doonto adeegga dowladnimada deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sii jeeda deegaanno kale oo ay ka socdaan hawlgallada dalka looga sifeynayo Alshabaab ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka ka dhan ka ah Al-shabaab uu socon doono inta laga ciribtirayo Soomaaliya.

Horseed Media