Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo xarig ka jaray Madaxyooyada Cusub ee Galmudug

Published: November 20, 2022
Shares20

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa si wadajir ah u xarig jaray Madaxyooyada Cusub ee Galmudug.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in hirgelinta mashruucan iyo halganka lagu xoreynayo deegaanada ku jira gacanta Al-shabaab ay ka turjumeyso go’aanka wanaagsan ee ay qaateen madaxda iyo shacabka Galmudug.

“Tallaabadan dhaxal reebka ahi waxa ay astaan u tahay halganka dhabta ah ee dadka reer Galmudug ugu jiraan hagaajinta mustaqbalkooda. Astaan 

dowladnimo iyo dad qaatay go’aan dhaxalgal ah ayaa iiga muuqata Galmudug waana halka aan dooneyno in aan u jiheyno guud ahaan dadkeenna.”

Munaasabadda xarig jarka xarunta Madaxtooyada cusub ee Galmudug waxaa ka qayb galay Wasiirro iyo Xildhibaano heer federaal ah, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan dowlad-goboleedka Galmudug, mas’uuliyiinta maamulka gobolka Galguduud iyo kan caasimadda Galmudug.

Horseed Media