Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo

Published: January 8, 2023

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo ee Caasimada KMG ah ee Jubaland.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa maalmahii lasoo dhaafay safar shaqo ku joogay Magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka.

Madaxweynaha ayaa Inta uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho ka qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaranka ee dhawaan lasoo gaba gabeeyay.

Madaxweynaha Jubaland waxaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdille Xasan kusoo dhaweeyay qaar kamid ah masuuliyiinta Dowlada oo u hormuud u ahaa Madaxweyne ku xigeenka labaad Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud.

Horseed Media