Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan oo Muqdisho lagu soo dhaweeyey

Published: August 2, 2023

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaan ayaa maanta oo isniin ah gaarey magaalada Muqdisho. Axmed madoobe waxaa Muqdisho ku soo dhaweeyey Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan Dowladda federaalka.

Ujeedka booqashada Axmed Madoobe ayaan la shaacin, waxaase warar ku dhaw sheegayaan in uu kulan la qaadan doono Madaxweynaha iyo raysalwasaaraha isla markaana looga hadli doono qorshaha la dagaalanka al-Shabaab iyo dhamaystirka dastuurka oo dowladdu dooneyso in ay cod uga hesho baarlamaanka.

Horseed Media