Madaxweynaha Jubaland oo booqday  deegaanno dhowaan laga xoreeyey Al-shabaab

Published: April 10, 2023
Shares70

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay Al-shabaab ee katirsan Gobolka Jubada Hoose.

Deegaanada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, Harboole  iyo Janaa Cabdalle. 

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo.

Sidoo kale, Madaxweynaha wuxuu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

Horseed Media