Madaxweynaha Jubaland oo ku eedeeyay DFS dagaalada ka socda Gobolka Gedo.

Published: March 7, 2020

Madaxweyne Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta khudbad dheer oo dhinacyo kala duwan taabanysa ka jeediyay xafladii furitaanka Golaha Baarlamaanka Jubaland.

Axmed Madoobe ayaa ugu hrayn sharaxay halka laga keenay Jubaland, sidii ay ula dagaalameen Alshabaab, sida loo sugay Amnigga Jubland iyo dadaalada dib-u-heshiisiineed ee uu wadday mudadii uu hayay hogaanka Jubaland.

Axmed Madoobe waxa uu si toos ah DFS ugu eedeeyay in ay dhaqaale ka hesho dalka Qatar sidoo kalena ay adeegsadaan ciidamada Itoobiya ee nabad-ilaalinta u jooga Soomaaliya.

“Qatar lacagta ay dalka ku duminayso ha joojiso, Ethopia saraakiisha dhaqanka xun ha ceshato, Madaxweyne Farmaajow Madaxweynahaygii baa tahay aan wada hadalno wixii uu dastuurku kusiiyo qaado wixii uu aniga ii ogal yahayna isii” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe waxa uu ugu baaqay dalalka Turkiga iyo Qadar inay joojiyaan dhaqaalaha iyo tababarada ay siiyaan ciidamada Soomaaliya, ciidamadaas ayuu ku eedeeyay in loo adeegsanayo hab-siyaasadeed xun oo aan wanaagsanayn.

Madaxweynaha Jubaland sidoo kale waxa uu ku baaqay in ciidamada dowlada federalka ay keentay gobolka Gedo si dhaqso ah uga baxaan “Dowladdu si shuruud la’aan ah ciidankeeda ha ugala baxdo Gedo, miiska wada hadalkana ha timaado

Horseed Media 2020

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *