Madaxweynaha Jubaland oo la shiraya xildhibaanada federaalka

10 November, 2024

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan wadatashig ah xarunta madaxtooyada Kismaayo kula yeeshay…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan wadatashig ah xarunta madaxtooyada Kismaayo kula yeeshay Xildhibaanada labada Aqal ee BJFS ku matala Jubaland.

Xildhibaanada oo ku yimid martiqaadkii Madaxweynahu uu u fidiyay Xildhibaanada labada Aqal si wadatashi balaadhan looga yeesho xaalada guud ee siyaasada dalka ayaa wada latashiyada ay la yeelanayaan qeybaha Kala duwan ee Bulshada iyo hogaanka dowlad goboleedka Jubaland.

Jubaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa isku khilaafsan nidaamka doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay doonayso DFS balse diidan tahay JL.

Horseed Media