Madaxweynaha Jubaland oo qaabilay guddoomiyaha hay’adda maaraynta musiibooyinka

Published: May 19, 2024

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka DFS, Maxamuud  Macalin Cabdulle ayaa kulan diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo la qaatay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo ka qeyb galka shirka Golaha Wadatashiga Qaran u yimid Muqdisho.

Kulanka ayaa si weyn loogu gorfeeyay saameynta ka dhalan karta roobabka da’aya, raadadki El-nino iyo sidii ay hay’adda SoDMA gargaar ula gaari laheed gobalka Gedo oo fatahaadihii sanadki hore wax-yeello xooggan gaarsiiyeen.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Horseed Media