Madaxweynaha Jubaland Oo Xariga Ka Jaray Xarunta 2aad Ee Hay’adda Socdaalka Qaranka

Published: June 8, 2023

Madaxweynaha dowlad gobolkeedka  Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa munaasabad kooban oo ka dhacday Xarunta labaad ee Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadda xariga kaga jaray Xaruntan Cusub oo ah mida labaad ee meel ka baxsan Muqdisho ay hay’adu ku leedahay gaar ahaan Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyada Xaruntan Cusub ay u leedahay shacabka reer Jubbaland inay tahay mid weyn loona baahan yahay inay ka faa’iidaystaan maadaama xuduud dheer aan la leenahay dalalka Kenya iyo Itoobiya isla markana isku socdka bulshada ay qeyb weyn ka qaadanayso.

Waxaa kale oo u inta ku daray in dhawaan la furi doono xuduudka aan la leenahay Kenya taas oo shaqada Hay’adan wax badan kusoo kordhinaysa muhiimna u ah isku socodka bulshooyinka labada dhinac,madaxweynaha ayaa sheegay in masuuliyiinta hay’ada looga baahan yahay inay adeegyada ay bixinayaan ay shacabka u fududeeyaan iyadoo la raacayo sharciyada iyo hanaanka shaqada ee saxda ah.

Horseed Media