Madaxweynaha Jubaland oo xilalkii ka qaaday Taliyaasha Booliiska iyo Nabadsugidda

Published: April 17, 2021

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed islaam ( Axmed Madoobe ) ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Taliyayaasha Ciidamada Booliiska iyo Nabad Sugidda Jubaland iyadoona u magacaabay Taliyayaal cusub.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa waxaa Sareeyo Guuto Maxamed Cabdi Sheekh loogu magacaabay in uu noqdo Taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Jubaland halka Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan loo magacaabay Taliye kuxigeenka Booliiska Jubaland.

Sidoo kale Madaxweynaha Jubaland ayaa Maxamed Axmed Sabriye uu u magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabadsugidda Jubaland.

Halkan ka akhriso Wareegtada.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *