Madaxweynaha Jubbaland Oo Hambalyo U Diray Guddoonka Cusub Ee Afmadow

Published: October 10, 2020

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa hambalyo u diray golaha cusub ee deegaanka degmada Afmadow oo doorashadooda maalmahan ay socotay oo maanta doortay gudoomiye degmo iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey dadaalka wasaarada arimaha gudaha, odayaasha dhaqanka iyo guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka Jubbaland ee howshan gacanta ku hayay kuwaas oo doorasho xor iyo xalaal ah u qabtay muwaadiniinta tartamayay.

” Dhamaan degmooyinka kale ee Jubaland ayaa inaga sugaya in loo sameeyo gole deegaan si ay xafiisyada u yimaadan hogaamin ay shacabku doorteen kuwaas oo wax ka qabta baahiyaha ay qabaan “

Axmed Madobe

Ugu danbayntii Waxaa Madaxweynahu uu ilaahay uga baryay Masuuliyiinta Cusub in uu shaqada ay Shacabka u qabanayaan uu la garab galo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *