Madaxweynaha Jubbaland oo lagu soo dhoweeyay Afmadow

Published: July 26, 2024

Madaxweynaha maamulka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminaayey ayaa maanta gaaray degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.

Wafdigaasu waxaa bartamaha degmadasi ku soo dhoweeyay maamulka degmadaasi iyo boqolaal shacab ah oo kamid ah dadka ku dhaqan halkaas.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminaayo ayaa la xiriira sidii loo dardargalin lahaa howlgalada ay wadaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland, kuwaas oo guulo wax ku ool ah dhowaan ka soo hooyey dagaalada ka dhanka ah khawaarijta rr dhacay maalmahii lasoo dhaafay.

Waddooyinka u dhexeeya Magaalooyinka Kismaayo iyo Afmdow ayaa la sheegay in gabi ahaanba laga sifeeyay kooxaha khawaarijta.