Madaxweynaha Jubbaland oo dhagax-dhigay Xaafad Cusub oo laga dhisayo Magaalada kismaayo-Sawiro

Published: January 25, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhagax-dhigay dhismaha Xaafad Cusub oo laga hirgalinayo Magaalada Kismaayo.

Xaafadan oo loo bixyay Bilan ayaa ka koobnan doonnta guryo caadi ah oo la dago iyo Suuqyo goobo Waxbarasho iyo Adeegyada kale ee muhiimka u ah deegaanka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Xaafadan ay qayb ka qaadanayso dib u dhiska Magaalada iyo koboceeda isagoo ugu baaqay qurba joogtu in ay dalka maalgashadaan.

Cid walba oo dhismaha Xaafadan ka qayb qaadanaysa ayuu Madaxweynahu u mahad celiyay isagoo hoosta ka xariiqay in aysan jirin wax ka wanaagsan in dalka la maalgashado oo ah hanti raasamaal ah.

-DHAMMAAD-

Faafin Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *