Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo gaaray Degmada Dhoobley

Published: June 26, 2022

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Degmada Dhoobley halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeeyey.

Maamulka Degmada, Odayaal, haween, dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa Madaxweynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Degmada Dhoobley.

Golaha wasiirada ee Jubbaland ayaa 23-June-2022 shirkoodii Khamiislaha ahaa ku ansixiyey in Dhoobley iyo Buurdhuubo ay kamid noqdaan Degmooyin rasmiga ah ee Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay Degmada Dhoobley kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Degmada.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *