Madaxweynaha Jubbland oo la kulmay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Published: February 3, 2018

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Danjiraha Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Mr David Concar.

Kulankan waxaa Madaxweynaha ku weheliyay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo qaar ka mid ah xubnaha golaha Wasiirada.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu Dowlada UK uga mahad celiyay tageerada ay siiso Soomaaliya isagoo ku booriyay in dadaalka ay Ingiriisku ku bixinayaan dib usoo kabashada Soomaaliya ay sii dar-dar galiyaan.

Madaxweynahu wuxuu sheegay in adeegyada ay UK ka fuliso deegaanada Jubbaland ay yihiin kuwo natiijooyin fiican ay kasoo baxayaan balse loo baahan yahay in mar walba lagu saleeyo baahiyaha jira.

Adeegyada Waxbarashada Caafimaadka dib u habaynta qoxootiga kasoo noqonaya dibadaha iyo arrimo kale oo ay kamid tahay tayaynta Ciidamada Booliska ayuu Madaxweynahu sheegay in Jubbaland ay siinayso mudnaanta koobad taageerada Saxiibada Soomaaliyana ay mar walba muhiim u tahay.

Danjire David Concar ayaa sheegay in kaalmada ay ku bixiyaan Soomaaliya ay sii laban laabayaan isagoo sheegay in si gaar ah ay diirada u saarayaan deeganada Jubbaland si baahiyaha jira wax looga qabto.

-DHAMMAAD-

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *