Madaxweynaha Kenya Oo Qaaday Qaar kamid ah Xayiradihii Dalkiisa Ee Covid19

6 July, 2020

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la qaaday xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd…

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru kenyatta ayaa ku dhawaaqay in la qaaday xayiraadii dhanka safarka ee saarnayd qaar kamid ah magaalooyinka dalka kenya.

Amarkan oo hirgali doona berri oo talaado ah ayaa Magaalooyinka laga qaaday xayiraada waxay kala yihiin Nairobi, Mombasa iyo Mandheera, balse waxaa 30 berri oo kale lagu sii daray bandowgii xiliga habeenkii ee saarnaa guud ahaan dalka.

Kenyatta wuxuu intaas ku daray in dowladdu ka laaban karto amaradaan haddii lagu guuldaraysto gudashada masuuliyada qof kasta.

“Hadday xaaladdu ka sii darto oo caqabad ku noqoto nidaamyadeena caafimaad, waa inaan ku laabanaa qufulka. 21-ka maalmood ee soo socda, waxaan daraasad ku sameyn doonnaa qaababka isdhaxgalka iyo faafitaanka cudurka, inagoo eegayna wixii isbeddel ah ee tilmaamaya inay ka sii dareyso masiibada,”ayuu yiri Kenyatta.

Duulimaayada gudaha ayuu sheegay Madaxeynaha Kenya in dib u bilaaban doonto 15-ka bishan July halka duulimaadyada caalamiga ah la furi doono 1-da bisha Agosto.

Tallaabadan ayaa imaaneysa kadib afar bilood oo lagu jiray xannibaadda coronavirus ah, kaasoo baabi’iyay ilahii muhiimka ahaa sida dalxiiska.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *