Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo gaaray Magaalada Baraawe

Published: May 29, 2023
Shares2

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimada Dowlada Koonfur Galbeed.

Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose, Maamulka Caasimada Baraawe iyo Qeybaha kala duwan Bulshada ayaa wafdiga Madaxweynaha kuso dhoweyey Garoonka Diyaaradaha Magaalo xeebedka Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa inta uu ku sugan yahay degmada Baraawe waxa uu kulamo la qaadan doona, Maamulka degmada, Saraakiisah Ciidamada ATMIS iyo kuwa dowladda iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada Magaalada.

Safarka Madaxweyne Laftagareen ee degmada Baraawe ayaa ku soo aadaya xillii ay socoto qaban qaabada doorashada guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed maadaama guddoomiyahoodii Cali Saciid Fiqi uu kamid noqday Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Horseed Media