Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Muqdisho

Published: February 18, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta gelinkii dambe gaaray caasimada dalka ee Muqdisho.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ujeedka safarkiisu ahaa ka qaybgalka shir degdeg ah oo uu xalay madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowlada goboleedyada kaas oo looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horreeyay ee soo gaara magaalada Muqdisho kaas oo ka qaybgalaya shirka madaxda dowlada federaalka iyo dowlada goboleedyada 18-19 bishan Febraayo.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *