Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Bulshada Degmada Baraawe.

Published: November 4, 2019

Cabdicasiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa xalay kulan kula yeeshay magaalada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha hoose qaybaha kala duwan ee bulshada, waxaana uu kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen sugidda amniga iyo la shaqeeynta hay’adaha ammaanka.

Madaxweynaha ayaa shacabka ku nool dagmada Baraawe ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyaan Ciidamada qalabka sida ee har iyo habeen u taagan sidii ay u badbaadin lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed,isagoo ka codsaday inay sii kordhiyaan dadaalkooda.

Dhanka kale Madaxweynaha koofur galbeed ayaa Saraakiisha ammaanka kala hadlay sidii maleeshiyada Al-shabaab looga xoreyn lahaa deegaannada ay kaga suganyihiin maamulka Koofur galbeed, si looga dulqaado dhibaatada ay ku hayaan dadka shacabka ah.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay ayaa shalay gaaray magaalada Baraawe ee xarunta maamulka koofur galbeed wuxuuna xarigga ka jaray garoonka diyaaradaha Baraawe oo dhismahiisa la soo gabagabeeyay, sidoo kale wuxuu soo kormeeray xaaladda guud ee magaalada Baraawe iyo sida adeegyada bulshada ay u shaqeeyaan.

Horseed Media, 2019.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *