Published: May 25, 2021
by: Ali. Y
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deggen yahay caasimada Muqdisho ku qaabilay Safiirka dowlada Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Cabdifataax Cabdulaahi Xasan.
kulanka labada mas’uul ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ku aaddan xaaladda Siyaasadeed ee dalka iyo tan mamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxda ayaa ka wada hadlay Xoojinta iskaashiga iyo howlgalada ka dhanka dagaalamayassha Alshabaab.
Horseed Media