Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo magacaabay Wasiiro cusub

Published: June 6, 2022

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayuu ku magacaabay qaar ka mid Golaha Wasiirada Dowlad Gobaleedkaas.

Wasiirada uu magacaabay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa gaaraya illaa shan Wasiir ayaa kala ah:

1: Dr Cali AlCabdi Macalin oo loo magacaabey Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed.

2: Cabdullaahi Xaaji Xasan oo loo Magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed.

3: Maxamed Isaaq Cabdi oo loo Magacaabay Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed.

4: Xasan Cabdinuur Aadan oo loo Magacaabay Wasiirka Gaadiidka cir & Dhulka Koonfur Galbeed.

5: Sandheere Maxamed Iftin oo loo Magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Maamulka Koonfur Galbeed.

Wasiiradan cusub ayaa badali doona Wasiiradii hore ka dib markii ay ka mid noqdeen Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *