Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo booqday Xerada Balli-doogle

Published: October 28, 2021

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa manta gaaray Xerada Ciidanka Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle ee Gobolka Shabeelaha hoose.

Lafta gareen iyo wafdigiisa ayaa kormeer iyo Indha-indheyn ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay xerada Balli-doogle, iyagoo sidoo kale u kuur galay sida ay u socdaan howlaha tababarrada Ciidanka Kumaandooska ee Danab.

Madaxweynaha ayaa inta uu halkaasi ku sugnaa la kulmay saraakiisha Sooaaliyeed iyo kuwa ka socda Waddamada ay saaxiibbada nahay, isagoo kala sheekaystay howlaha tababarka ciidamada ee halkaasi ka socda.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *