Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed oo raaligelin ka bixiyay sharciga dagaalka

7 December, 2024

Madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa Sabtidii raaligelin ka bixiyay isku daygii uu ku doonayay in uu todobaadkan ku soo rogo sharciga dagaalka balse isma casilin, isaga oo diiday cadaadis xoog leh oo uu ku doonayay in uu xilka ka dago xitaa qaar ka mid ah xisbigiisa talada haya oo saacado uun ka hor codayn la qorsheeyay in xilka lagaga xayuubiyo.

Yoon wuxuu sheegay inuusan isku dayin inuu ka fogaado mas’uuliyadda sharci iyo mid siyaasadeed go’aankiisa uu ugu dhawaaqay sharciga dagaalka markii ugu horeysay ee Kuuriyada Koonfureed tan iyo 1980. Wuxuu sheegay in go’aanka uu ku dhashay quus.

Khudbadda ayaa ahayd tii ugu horreysay ee hoggaamiyaha uu ka soo muuqdo fagaare tan iyo markii uu laalay amarkii ciidamada militariga subaxnimadii Arbacada, lix saacadood uun ka dib markii lagu dhawaaqay iyo ka dib markii baarlamaanka uu diiday go’aankii militariga iyo booliiska si ay ugu codeeyaan wareegtada.

Tallaabadan ayaa gelisay dhaqaalaha Aasiya iyo xulafadiisa militariga Mareykanka qalalaasihii siyaasadeed ee ugu weynaa muddo tobanaan sano ah.

“Aad ayaan uga xumahay, waxaanan jeclaan lahaa inaan si daacad ah u raalli-geliyo dadkii naxay,” ayuu Yoon ku yiri khudbad uu telefishinka u jeediyay shacabka, isagoo ballanqaaday inaysan jiri doonin isku day labaad oo lagu soo rogo sharciga dagaalka.

“Waxaan u dhaafayaa xisbigayga inuu qaado tillaabooyin lagu dejinayo xaaladda siyaasadeed ee mustaqbalka, oo ay ku jirto arrinta ku saabsan muddada xafiiskayga,” ayuu yidhi.

Yoon oo hor taagan calanka Kuuriyada Koonfureed, ayaa sujuuday ka dib markii uu dhammeeyey hadalkiisa kooban, isaga oo si xushmad leh u eegayay cabaar kamarada.

Horseed Media