13 hours ago
Nawaf Salam oo ah guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha cusub ee Lubnaan.
Madaxweynaha cusub ee Lubnaan Joseph Aoun ayaa isniintii u yeeray Nawaf Salam oo ah guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda si uu ugu magacaabo ra’iisul wasaaraha cusub ee dalkaas.
Inta badan xildhibaanada Lubnaan ayaa taageeray Nawaf Salam, oo ah guddoomiyaha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee Hague, kadib laba sano oo ay jirtay dowlad ku meel gaar ah.
Nidaamka awood qaybsiga ee Lubnaan, madaxweynuhu waa inuu noqdaa Masiixi Maronite ah, ra’iisul wasaarahana waa Muslim Sunni ah, iyo afhayeenka baarlamaanka waa Muslim Shiico ah.
Horseed Media