Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle oo gaaray Magaalada Jowhar

Published: February 27, 2018

Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Jowhar ee Xarunta Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle.

Madaxaweynaha ayaa todobaadyadii la soo dhaafay booqasho ku joogay magaalada Muqdisho iyo wadanka Jabuuti.

Waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada kaga hortagay Madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen,Wasiiro, Xildhibaano, Maamulka gobolka, kan degmada Jowhar iyo bulshada qeybaheeda kale duwan.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamad Cabdi Waare ayaa booqashada uu ku tagey dalka Jabuuti waxa uu kulamo kula soo qaatay madaxda dalkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha Hir-Shabeelle ayaa intii uu ku sugnaa magaalada Muqdisho waxa uu la kulmay madax ka tirsan dowlada Federaalka ah isagoo sidoo kale ka qeyb galay shirka Amniga Qaranka.

Madaxweyne Maxamad Cabdi Waare ayaa caalamka markale ugu baaqay in ay wax u qabtaan shacabka Hir-Shabeelle gaar ahaan deegaanada ay biyo la`aanta ka jirto ee hareeraha wabiga Shabeelle.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *