Madaxweynaha Maamulka koofur-Galbeed oo dhagax-dhigay Wado Cusub

Published: January 28, 2018

Madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa dhagax dhigay Waddo 3-KM ah oo isku xiraysa Garoonka diyaaradaha Baydhabo iyo madaxtooyada

Cabdullaahi Aadan Cali Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Maamulka Koofur-Galbeed ayaa in dhismaha wadadan ay iska kashanayaan Wasaaradaha Maaliyadda Dowladda iyo tan Maamulka .

Waxa uu intaasi ku daray Wasiirka in wadadan ay shaqo abuur u tahay dhallinyarada ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

…Si gaar ah waxaan ugu mahad celineynaa dowladda Soomaaliya oo gacan weyn ka geysatay arrintan, dhanka kalena shaqo abuur ayeey u tahay dhallinyarada Baydhabo ku sugan” ayuu yiri wasiirka.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh ayaa sheegay in haddii dib u dhis lagu sameeyo wadadan ay muhiimad u yeelan doonta shacabka reer Baydhabo,islamarkaana qeyb ka qaadaneyso kaabayaasha dhaqaalaha dalka.

Mudane Shariif Xasan ayaa ugu dambeen baaqay Ganacsatada iyo Hay`addaha kale ee caalamiga ah iney ka qeyb qaataan sidii loo soo celin lahaa kaabayaasha dhaqaalaha deegaanada Maamulka Koonfur- Galbeed.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *