Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo booqasho lama filaan ah ku tagay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv

Published: February 20, 2023
Shares2

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa booqashadii ugu horreysay ku tagay caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, tan markii uu Ruushka ku duullaanka ku qaaday ku dhawaad sanad ka hor.

Madaxweynaha Ukraine Zelensky ayaa soo dhaweeyay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden oo booqasho qarsoodi ah ku tagay caasimadda Kyiv.

“Biden kusoo dhawow Kyiv, booqashadaada waa inoo muhiim waa astaan muujineysa taageerada aad u heyso dhammaan reer Ukraine” ayuu yiri Madaxweynaha Ukraine.

Booqashadan lama filaanka ah ayaa imaaneysa xilli uu Biden gaaray dalka Ukraine deriska la ah ee Poland si uu ula kulmo madaxweyne Andrzej Duda.

Horseed Media