Madaxweynaha Masar oo 8 sano kadib maanta booqasho ku tagaya dalka Qatar

Published: September 13, 2022

Warbaahinta Masar iyo Carabaha kale ayaa waxa ay baahiyeen in Madaxweynaha Masar Abdel Fattah El-Sisi uu booqasho laba maalmood ah maanta oo Talaado ah uga billaaban doono magaalada Dooxa, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Amiirka Qatar Tamim bin Hamad Al Thani.

Waa booqashadii ugu horreysay ee Madaxweyne Sisi uu ku tago Qatar tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada Masar qiyaastii 8 sano.

Amiirka Qatar ayaa dhamaadkii bishii June ee ina dhaaftay booqasho ku tagay magaalada Qaahira, waxaana uu wadahadalo laba geesood ah la yeeshay Madaxweynaha Masar, waxaana xigay wadahadalo dheeri ah oo dhex maray wufuud ka kala socotay labada dal.

Waqtigaas, wadahadalada waxaa ka mid ahaa faylasha dhaqaalaha ee tamarta iyo qaybaha beeraha iyo kor u qaadida qulqulka maalgashiga Qatar ee Masar, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada Masar.

Qatar ayaa tan iyo bilowgii sanadkan sameysay maal-gashi lagu qiyaasay ilaa shan bilyan oo dólar.

Booqashada labada dal ee Qaahira iyo Dooxa ayaa timid ka dib markii uu dhammaaday khilaaf horraantii sannadkii hore u dhexeeyay Qatar oo dhinac ah iyo Masar, Sacuudi Carabiya, Imaaraadka iyo Baxrayn oo iyagana isku dhinac ahaa.

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *