Madaxweynaha Nayjeria oo Weerar Afka ah Ku Qaaday Reer Galbeedka

Published: November 26, 2019

Madaxweynaha Nayjeeriya Maxamed Buhaari ayaa iku eedeeyay wadamada reer galbeedka in dhaqamada ay keeneen afrika ay sababeen inuu hoos u dhaco ixtiraamkii iyo qadarintii la siin jiray odoyaasha dhaqanka iyo dadka waayeelka ah ee Afrika

Madaxweynaha oo ka hadal ka jeediyay shir laga hadlayay xuquuqda dadka waaeyeelka, kaasi oo ay soo qabanqaabiyeen barlamaanka Urur goboleedka galbeedka qaarada Afrika ee ECOWAS ayaa ku baaqay in la sameeyo siyaasado lagu taageerayo xuquuqda dadka waayeelka ah.

” Ilbaxnimada reer galbeedka darteed, dhaqankeenii sharafta iyo ixtiraamka siin jiray dadka waayeelka ah waa sii yaraanayaa” Sidaas waxaa yiri madaxweyne Buhari

Wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo dhaqankii afrikaanka ee sharafta iyo karaamada lahaa ee daryeelka iyo qadarinta siin jiray waayeelka.

HORSEEDMEDIA

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *