Madaxweynaha oo furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya

Published: November 27, 2023

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka.

Shirkan oo soo qaban-qaabiyay Golaha Dhaqaalaha Qaranka, socon doonana muddo 2 maalin ah ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka socota dowladda federaalka, dowladaha xubnaha ka ah iyo saaxiibada beesha caalamka ee sida gaarka ah u taageero Soomaaliya.

Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Bulshada Soomaaliyeed, Madaxda dalka in ay ka shaqeeyaan danta guud si Soomaaliya uga hormato meesha ay taagan tahay.

“Waxaan farayaa golaha dhaqaalaha qaranka inuu noqdo horumarinta hiigsiga qarniga iyo inay si dhow ula shaqeeyaan dhammaan dhinacyada ay khusayso sida Wasiirada, hay’adaha dawladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, dawladdaha xubnaha ka ah federaalka, ururada bulshada rayidka ah, ururada ganacsiga gaarka ah, iyo saxiibadeena calamiga ah,” sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Inta socdo shirka hannaanka diyaarinta hiigsiga qarni-jirka Soomaaliya ee 2060-ka, ayaa la filayaa in dhacaan doodo u badan sida lagu gaari karo 2060-ka Soomaaliya oo dhaqaalo ahaan isku fillan.