Madaxweynaha oo kulan la qaatay xoghayaha difaaca Britain

Published: August 1, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federeaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa Xoghayaha Difaaca dalka Ingiriiska ku soo dhaweeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo iyo Xoghayaha ayaa waxa ay ka wada hadleen ammaanka gobolka, midka Soomaaliya, Kordhinta taageerada UK ee Soomaaliya iyo Siyaadada.

Intaasi kadib ayaa Xoghayaha Difaaca dalka UK wuxuu la kulmay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) iyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka General C/wali Jaamac Xuseen (Gorod).

Dhinacyadan ayaa isla soo qaaday ahmiyadda ammaanka iyo dib u dhiska ciidamada, Xoghayaha Difaaca UK ayaa wuxuu balan qaaday inay kordhinayaan taageerada dhan kasta ee Soomaaliya.

Sidoo kale xoghayaha ayaa wuxuu la kulmay Taliyaha Ciidanka AMISOM, wuxuuna dhankooda u balan qaaday inay ka taageerayaan dhinacyada ciidamada.

Horseed Media 2018

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *