Madaxweynaha Punland oo dhisay Maxkamadda Sare

Published: March 31, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaacabay guddoomiyaha Maxkamadda sare iyo ku xigeenkiisa, iyo xubnaha kale ee adeega garsoorka. Guddoomiyhii Maxkamadda sare ayaa geeriyoodey sanadkii 2019, tan iyo markaas xika lama buuxin, sidoo kale waxaa muddadii xil hayntu ee adeega garsoorka waxay dhamaatey sanadkii 2021.

Hoos ka akhri wareegtada madaxweynaha.

Garoowe: 31 March 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 21 ee 30ka March 2022 kuna saabsan dhismaha Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 90-aad
Marku arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda shaqo.
Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo in la dhiso Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.
Markuu la tashtay : Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu Xeeriyey:


Magacaabid


Waxaa Axmed Maxamed Yuusuf (Taaran) loo magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

Waxaa Nuur Ciiise Maxamed loo magacaabay Guddoomiyah Kuxigeenka Maxkamadda Sare Dowladda Puntland

  1. Waxaa Axmed-haadi Aadan Yuusf loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  2. Waxaa Cabdiqani Diiriye Cawl loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntland
  3. Waxaa Cabdinaasir Cabdullaahi Cali loo magacaabay Garsoore Maxkamadda Sare Dowladda Puntlan
    Waxaa kale oo la magacaabay,

  1. B. Keydka
    Maxamuud Aadan Cabdulle Xubin
  2. Cabdishaafi Axmed Cali Xubin
  3. Xubno Guddi
  4. Daahir Maxamed Nuur
  5. Xasan Cabdi Cilmi

Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
DHAMMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *