Madaxweynaha Puntland Deni oo ku baaqay in khilaafka wadahadal lagu xaliyo – VIDEO

Published: October 12, 2019

Madaxweynaha Dowlada Puntland Siciid Cabdullahi Deni oo ka qeyb galay munaasabadii caleemo-saarka Madaxweynaha Jubaland ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxweynaha Jubaland uu sii wado wadahadalka uu kula jiro siyaasiyiinta kasoo horjeeda ee saluugsan qaabkii ay u dhacday Doorashadii Jubaland.

Siciid Deni oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed iyo marxaladaha dalka ka jira ayaa sheegay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay ka gaabisay arrimihii Dastuurka Qaranka dhameystirkiisa oo muhiim u ahaa Doorashada Hal qof iyo Hal Cod oo dalka ka dhacda.

Tani ayaa adkeyneysa in Doorasho Hal Cod iyo Hal Qof ah ka dhacdo dalka, hadii taasi dhacdo waxaa lamarayaa wadadii ahayd Baarlamaanka, ee maaha in laga fekero Muddo Kororsiayuu yiri Siciid Cabdullahi Deni.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Wuxuu Madaxweynaha Puntland sheegay in laga maarmaan ay tahay in Dowlada Federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah ay ka wada shaqeeyaan amniga dalka si Qaranka uu noqdo mid mideysan oo isku filan.

Waxaan aad iyo aad ugu baaqayaa in dulqaad la muujiyo oo laga fekero midnimada dalka, Puntland waxay mar walba ka shaqeenaysaa waxa dalkan maslaxadiisa ay ku jirto, taas ayaan sii wadayaa oo ay ragii iga horeeyey ay sii wadi jireen ayuu yiri Madaxweyne Deni.

https://www.facebook.com/plstatehouseofficial/videos/767508323678835/

Horseed Media

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *