Madaxweynaha Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Magaalada Muqdisho-Sawiro

Published: February 5, 2017

Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa safar ugu anba baxay magaalada Muqdisho, iyadoo si diiran loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Safarka madaxweynaha Puntland waxa ku wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Axmed Cali Xaashi , wasiiro, xildhibaano iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada.

Soo dhoweynta madaxweynaha waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin kale duwan oo ka tirsan golayaasha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynah Puntland iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa in ay goob joo ka noqdaan doorashada ka dhacaysa Muqdisho ee lagu dooran doono madaxweynaha cusub ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Dr.Gaas oo warbaahinta kula hadlay garoonkda diyaarada ee Aadan Cadde ayaa shegay in uu rajeenayo in wax fiican ay ka soo bixaan arrimaha doorashooyinka dalka oo heer gebo-gebo ah maraya.

Puntland ayaa kaalin muhiim ah ka qaadatay geeddi socodka doorashooyinka iyo nidaamkii lagu soo dhisay labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Horseed Media 2017

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *