Madaxweynaha Puntland muxuu ka yiri halka uu ku danbeeyay kiiskii Caaisha Ilyaas?

Published: January 9, 2020

Madaxweynaha Dawlada Puntland Saciid cabdilaahi Deni oo ka jawaabay dhawr su’aalood oo ay weydiiyeen weriyayaashu ayaa soo hadal qaaday halka uu ku danbeeyay kiiska Caaisha Ilyaas oo ahayd Gabar da’a yar oo sanadkii lasoo dhaafay lagu kufsaday Magaalada Gaalkacayo, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in kiiskaas ay gacanta ku hayaan golaha garsoorka.

” Waad ogtahay Maxkamad noocaas ah taariikhada Soomaaliya inta la xasuusto kiiskii Caasho oo kale meel uu ka dhacay ma jiro, Maxkamad daahfuran Cid walba ka qayb gashay mediyaha laga sii daayey Saddexdii maxkamadood ay martay maxkamadii 1aad xukuntay, racfaankii xukuntay, maxkamadii Sarre go’aanka qaadatay”

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in aysan sax ahayn in la dhaho xeerka fulinta madaxweynaha ayaa saxiixa

” Waxaan dadwaynaha iyo Mediaha barayaa Habka dowlada u Shaqayso, waxyaabaha Maxkamadaha go’aan gaaristooda dowlada Puntland madaxwaynaheedu maleh dad baa mar mar waxaa ay dhahaan xeerka fulinta madaxwaynaha ayaa sexeexa Arintaa sax maaha”

Deni ugu danbayn waxa uu sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u ahayn in ay faragashato arimaha Garsoorka “Maxkamadaha madaniga ah go’aanada ay qaadaan maxkamada Sare ayaa iska leh iyadaana u daynaynaa xukumadana lama rabo in ay Farabgashato wax ka khaldana garan mayno hadda”

Horseed Media, 2019

Leave a comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

1 Comment

  1. Mudane waxaa la rabaa in Puntland arinta wax ka qabato, wasaarada ay maxkamaduhu hoos tagaan ama cida ku shaqo leh waa iney arinta dhinac u ridaan, haddii taasi dhici weydo waa in xukuumadu farageliso oo xal keento. Runtii waxa ku dhacay Caisha Ilyaas wexey qalbi jab u keentay qof kasta wexeyna noqotay nabar soo gaarey damiirka reer Puntland oo dhan.