Madaxweynaha Puntland oo Baarlamaanka u gudbiyey Lifaaqa 5aad ee Dastuurka (Dhismaha Baarlamaanka cusub)

Published: December 7, 2023

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah Baarlamaanka Puntland u gudbiyey Lifaaqa 5aad ee Dastuurka ee lagu soo doorto Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Puntland oo ka kooban 66.

Madaxweynaha Puntland oo bilihii lasoo dhaafay diidanaa inuu xeerkan u gudbiyo Baarlamaanka ayaa sheegay inuu hada ogol yahay in doorashada Puntland ku dhacdo 8da Janaayo balse Madaxweynaha & Kuxigeenka ay soo doortaan Baarlamaanka cusub.

Go’aanadii kasoo baxay Guddiga Issimada SSC-Khaatumo oo loo saaray xalinta khilaafka doorashada ayaa ahaa in Baarlamaanka hada jooga uu soo doorto Madaxweynaha & Madaxweyne kuxigeenka.

Waxayna ku baaqeen in 12 bilood kadib Doorashada Baarlamaanka la qabto oo ay shacabka soo doortaan. Arrintan oo ay ku xalinayeen caqabada ka taagan kala saarida Xildhibaanada laga soo doorto Sool & Buuhoodle ee hada ku jira Baarlamaanka Puntland, kuwaasi oo mustaqbalka hoos tagi doona maamulka SSC- Khaatumo.

Macada in Baarlamaanka hada jooga uu aqbali doono codsiga Madaxweyne Deni ee ah dhismaha Baarlamaanka cusub iyadoo doorashada ka hartay hal bil oo kaliya.

Sidoo kale Issimada SSC-Khaatumo ayaa horey u sheegay inaysan soo magacaabi doonin Xildhibaano cusub oo kasoo jeeda Sool iyo Buuhoodle oo kamid noqda 66da Baarlamaanka Puntland, arrintaasi oo meesha ka saareysa dhimsha Baarlamaanka cusub ee Puntland oo ay xiligan Beelaha soo magacaabaan.

Wareegtada Madaxweyne Deni ayaa u qornayd sidatan:

MADAXWEYNAHA DOWLADDA PUNTLAND MUDANE SICIID CABDULLAAHI DENI OO U GUDBIYEY GOLAHA WAKIILLADA DPL SOO SAARSAARISTA LIFAAQA 5-AAD EE DASTUURKA DPL.

Xeer Madaxweyne Lr 121 ee December 02 2004 iyo xeer Madaxweyne Lr 112 ee November 09 2008, xeer Madaxweyne 153 November 2013 iyo Xeer Madaxweyne Lr 189. November 2018, oo dhamaantood ku saabsanaayeen soo xulida Golaha Wakiilada Dowladda Puntland.

Markuu Garowsaday: caqabadaha ku xeeran qabsoomida Doorashada hal qof iyo hal cod si waafaqsan Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 44-aad.

Markuu tixgaliyey: talooyinka ku aadan in Doorashadu dhacdo wakhtigeeda.

Waxuu go’aamiyey: in dib loogu noqdo nidaamkii Doorashadu ku dhici jirtay ee hore.

“Hadaba Mudane Guddoomiye waxaan Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ka codsanayaa in ay soo saaraan lifaaqa 5-aad ee Dastuurka ee qabsoomida Doorashada”.

Wada shaqayn wacan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.